Maamulka Gobolka Hiiran oo beeniyey in laga heshiiyey halka lagu qabanaayo shirka Maamul usameynta Hiiraan iyo Sh.dhexe.

0

Sheekh Xuseen Cismaan Cali Madaxa arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan oo la hadlay Idaacadda Simba ee Muqdisho ayaa waxaa uu beeniyey warar maalmihii dambe soo baxayey oo sheegayey in markaasi lagu heshiiyey halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Gudiga Farsamada ee soo qabanlahaa howsha shirka maamul usameynta ayuu sheegay in wali muu ka jiro qilaaf ku aaddan sida la iskugu raaci lahaa haddana aysan muuqan qorshe ay waddo dowladdu ama waxgaradka labada dhinac oo lagu doonayo in lagu keeno xalka arinkaan.
Markii lagu heshiiyo gudiga farsamada ayuu sheegay in ay suuragal tahay in lagu heshiiyo halka shirka kagu qabanayo iyo waliba qaabka loo qabanayo balse hadda ysan jirin wax heshiis ah oo arinkaan laga gaaray.
Magaalooyinka Baladweyn iyo Jowhar oo xarumo u kala ah Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa waxaa hadda kasocda abaabullo iyo dadaallo dhinac walba uu ku doonayo in lagu qabto shirka maamulka loogu dhisaayo labadaasi gobol.
Waxaana dhawaan Wasaaradda Arimaha gudaha iyo Federalka Xukuumadda Soomaaliya ay ku dhawaaqday guddi farsamo waloow gudigaasi durbaba ay cabashooyin ka keeneen waxgaradka goboladaasi kasoo jeeda waxaana xukuumadda Soomaaliya wali aysan ku guulaysan xal u helidda arinkaan.
Halkaan ka dhageyso Codka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here