Yaa Ethopia Siiyay Saamiga 19% Dhaqliga Laga Helo Dekadda Magaalada Berbera?

0

Berbera ee Gobolka Saaxil oo dhawaan lagu wareejiyay maamulka Shirkadda DPWLD ee laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka carabta   waxaa hore loo ogaa in wixii kasoo baxa 65% ay leedahay Shirkada DPWLD, %35 ay leedahay Somaliland, waxaa dhowaan soo baxay warar ku aadan  in saami ah 19% ay dekadda ku leedahay Dowladda Itoobiya oo xuduud la leh Maamulka Somali-land.

Wasiirka Ganacsiga Maamulka Somaliland Cumar Shuceyb, oo dhawaan warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysay ayaa sheegay in uu jiro guuxaas.

Balse Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Deyr oo shalay warbaahinta warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay arinta ku aadna in Ethopia ay ku leedahay Saami Dekada Magaalada Barbera.

“Wasiirka hadalkiisa waa dhegaystay, Wasiirku ma odhan Dowladda Somaliland ayaa 19% siisay Itoobiya, waxaa uu wasiirku yidhi dowladda Itoobiya waxay leedahay 19%, isweydiintu waxaytahay yaa siiyey”,

‘Shirkada DPWLD waxay leedahay 65% Somalilandna waxay leedahay 35%, Baarlamaanka taasi buu ansixiyey, Heshiiska waxaa ku qoran cidda saamiga badan leh ama cid walba hadii ay doonayso saamigooda inay cidkale siiso waa u madaxbanaantahay. Sidaasi darteed 19% itoobiya la siiyay mahan saamigii Somaliland, DPWORLD ayaa bixisay oo saamigeedii 19% ku wareejisay Itoobiya xaqna ay u leedahay”, ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.

.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here