Maxamed Cali Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Dowladda Soomaliya ayaa faah-faahin ka bixiyey dagaal beeleed qasaare geystay oo ka dhacay duleedka degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolkaasi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dagaalka oo u dhaxeeyay labo beeled oo walaalo ah uuna geystayo qasaaro isku jira dhimasho iyo dhaawac islamarkaana aysan maamulkooda awood u laheyn in ay gaaraan goobaha lagu dagaalamayo.
Wuxuu sheegay Maxamed Cali Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Dowladda Soomaliya ay deeganada lagu dagaalamay ay maamulaan Al-shabaab, islamarkaana ay madax banaan yihiin Dowladda Soomaliya iyo maamulka Galmudug taasina ay keentay in la kala dhexgali waayo beelaha halkaas ku dagaalamaya.
Dhanka kale Xaaladda deegaankii shalay ay ku dagaalameen beelaha walaalaha ayaa saakay degan waxaa la xaqiijiyay in ay kala dhexgaleen Maamulka Xarakada Al-shabaab ee halkaas ka taliya.

