Dowladda Mareykanka ayaa wada qorshe Ciidamo Amerikan ah loogu soo dirayo gudaha Soomaliya kuwaasi oo Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ka gacan siinayo dagaalka Lagula jiro Xarakada Al-shabaab.
Xoghayaha Difaaca Dowladda Mareykanka Jim Mattis ayaa khamiistii sheegay in maamulka Madaxweyne Drump uu wado qorshe Ciidamo kale loogu soo dirayo Gudaha Soomaliya kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya dagaalka Xarakada Al-shabaab in dib usoo celinta Nabada gayida Somaliya.
“Go’aanla Ciidamo dheeri ah loogu diraayo Gudaha Soomaliya wali lama Go’aansanin, bale Mareykanka waxaa ka go’an In Dowladda Soomaliya laga gacan siiyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo dib usoo celinta Nabada Soomaliya”, ayuu yiri Mattis oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu ka qeyb galay Shirkii Arrimaha Soomaliya ee London ee dalka ingriiska.
Ciidamo ka Socda Mareykanka ayaa haatan ku sugan Soomaliya kuwaasi oo Dowladda Federaalka Soomaliya ka caawinaya dagaalka Lagula Xarakada Al-shabaab,dhawaan askari ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay Howlgal ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya.

