Abdirahman Aynte oo Loo Magacaabay Safariika Soomaaliya ee UK.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa u magacaabay Mudane Abdirahman Yuusuf Hussein Aynte Safariika Soomaaliya u fadhin doona dalka UK.

Abdirahman Yusuf Hussein Aynte Wasiirkii Hore ee Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadii waqtigeeda uu dhaamaaday  ayaa la sheegay in lagu xushtay kadib markii  la ogaaday in uu yahay shaqsi kasoo bixi karo howsha loo ikmaday islamarkaana uu  yaqaano Howlaha Diblumaasiyadda.

Wasiirkii Hore ee Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga Abdirahman Yusuf Hussein Aynte ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay la hadal hayay In uu noqon doono Safiirka Soomaliya ee dalka Kenya islamarkaana uu shaqada ka badali doono Amb Jamaal, kaasi oo dhawaan loo magacaabay Wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Abdirahman Yusuf Hussein Aynte Wasiirkii Hore ee Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadii waqtigeeda uu dhaamaaday  ayaa ahaa dhawaan La Taliyaha Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo) iyo Gudoomiyaha Shirkii Arrimaha Soomaliya ee magaalada London.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here