Saraakiisha Ciidamada amaanka Maamulka Jubba-land ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in nin isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay Agagaarka Olanbig Ee Xaafada Farjano ee Magaaladaas.
Saraakiisha Ciidamada amaanka maamulka Jubba-land ee kismaayo waxa ay sidoo kale sheegeen in ninkaan uu doonayay in uu dhexgalo dad badan oo goobta ku sugnaa balse ay ka hortageen Ciidamada amaanka jubba-land, taasi ay keentay in uu kaligiisa qaraxo.
Waxaa la xaqiijiyay in qaraxaas uu ku dhintay 1-ruux halka ay ku dhaawacmeen 2-kale oo gabar ay ku jirto,waana qaraxii labaad oo noocaan oo kala ah uu fuliyo nin isa soo miidaamiyay,madaama sanadkii aynu soo dhaafnay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay isla xaafada Farjano.


