Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata oo ka qeyb galaya Shirka Loogu hadlaayo arrimaha Soomaliya ee Magaalada London ayaa sheegay in Ciidamadiisa ay sii joogi doonaan Soomaliya inta Kenya ay ka noqonayso meel amni ah.
Isagoo wariyayaasha kula haday Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ka hor inta uusan u duulin Magaalada london ayuu sheegay in Ciidamada Kenya ay ujeedo u joogaan soomaliya islamarkaana muhiimadda ugu weyn ay tahay in Kenya ay Amni hesho kadinba ay ka bixi doonaan Soomaliya.
Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa waxaa qeyb ka ah howl galka AMISOM ee Soomaliya , iyadoo ajandayaasha shirka uu ka mid yahay dhismaha ciidamo gaaraya 18-kun askari oo qorshahooda yahay inay la wareegaan Ammaanka dalka iyo goobaha ay ka baxayaan Ciidamada AMISOM dhamaadka 2018-ka.
“AMISOM halkan uma joogto arrimo gaar ah ee waa mid amniga lagu sugayo, wadamada dariska ah ee AMISOM kujira waxey Somalia uso galeen si amnigeena ay u sugaan, Dabcan Somalia waxay u baahantahay in iyada ay isdifaacdo, laakiin sax maahan in AMISOM ay iska baxdo, iyadoo an Soomaaliya amni laga dhigin, taasina waa hadafka aan dooneyno inaan gaarno”ayuu yiri Madaxweynaha Kenya oo Wariyeyaasha kula hadlayay Nairobi, ka hor inta uusan u ambabixin London.
Ciidamada kenya oo Soomaliya soo galay sanadkii 2011-kii ayaa ku sugan qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya, waxayna dagaalo kala kulman dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

