Ehelada Nin Rayid ah oo ay Dileen Ciidamada Taliyihii Hore Hay’ada Nabad Sugida Soomaaliya ayaa Diiday in la aaso Marxuumka la Dilay ayaga oo dalbaday in la soo Xiro Ragii Dilkaas geystay
Muuse oo ka mid ah Ehelada Ninka ay Dileed Ilaalada Gen. C/laahi Gaafoow Maxamuud Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed oo u waramay Idaacada Simba ayaa Sheegay in aysan aasaynin Meydka ilaa la soo qabanayo askarigii Dilka Geystay waxa uuna Sheegay Ciidamada Gen.Gaafoow ay ula kac ah ay u dileen Marxuun.
Ehelada ayaa ka Codsaday Dowladda Soomaaliya inay Cadaalada horkeento Askarta Taliyihiin Hore NISA Gaafoow madaama is gareer ah ay Dilkaas u geysteen.

