Ciidamada Dowlada ayaa xalay sameeyay Howgal lagu beegsano Kooxaha Habeenkii dhaca ka geysta Deegaanka Garas-baaley ee Duleedka Muqdisho halkaas oo mudooyinkii danbe ay ku soo bateen Rag hubaysan oo dhac iyo dil u geysta dad ka Shacabka ah.
Gudoomiyaha deegaanka Garas-baaley C/raxmaan Garyare oo la hadalay Idaacada Simba ayaa Sheegay Howlgalkaan uu ahaa mid lagu Bartilmaameedsanay Kooxaha Xiliyada Habeenkii dhaca ka geysta Xaafadaha uu ka kooban yahay deegaankaasi.
Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay in dadku ku howlan dhibaatayna Shacabka deegaankasi in ka waan Toobaan Falalka lidiga ku ah Amniaga iyo Bulshada Deegaankaasi.

