Dhalinyaro Soomaali Ay Ku Jirto oo Loogu Shakiyay Ku Biirista Daacish oo La Xiray

0

Dhalinyaro isugu jirta Muwaadin Soomaali iyo saddex  kenyaati aj ayaa lagu xiray dalka koonfurta Sudan kuwaa oo looga shakiyay in  ay ku biiri rabeen dagaalyahanada kooxda daacish iyagoo duulimaad ugu wajahnaa dalka Libiya.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa lagu magacaabaa Abdikadir abdishakur Shobey halka Saddexda kenyatiga ah ayaa lagu kala magacaabaa Said Ahmed Dabow, Adan Sheikh iyo Mohamed Abdi Mohamed.

Waxaana booliiska dalka koofurta Sudan ay baaritaano ku hayaan dhalinyaro kale oo looga shakiyay in ay ku biiri rabaan kooxda ISIL.

Dhalinyaradan isugu jirta Soomaalida iyo kenyatiga ayaa sidoo kale loo heystaa dambiyo ah tababaridda dadka si kooxda ISIL ay ugu biiraan iyo in ay ka shaqeystaan Tahriibinta dadka.

Ciidamada Police-ka dalka koofurta Sudan ayaa horay u qeybiyay sawiradada dhalinyaradan iyadoo lagu bixinayo 4 Sh million oo ah lacagta dalkaasi si loo gudoon siiyo cid walba oo keenta xog ka  caawineysa  booliiska si loo xero.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here