War Deg Deg:-Al-shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Goof-gaduud

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Bay ayaa ku waramaya In Ciidamada Xarakad Al-shabaab in ay goordhaweyd dagaal kula wareegeen deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolkaas.

Shabaab ayaa la sheegay in deegaanka ay ka weerareen dhowr jiho subaxnimadii hore ee saakay islamarkaana ay u suurta gashay in ay guud ahaanba ay gacanta ku dhigaan deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolka baay.

Dagaal dhexmaray Shabaab iyo Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa waxa ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinayadda dagaalmay.

Ciidamadii Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ee mudooyinkii dambe deegaanka ku sugnaa ayaa la sheegay in ay u jiheysteen dhanka bari ee deegaanka,waxaana mar walba la filan karaa dagaal rogaal culus ah in uu deegaanka ka dhaco.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here