Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada soomaliya C/qaadir Shiikh Cali Diini ayaa soo dhaweeyay sarkaal la sheegay in uu Horey ugu Tirsanaa al-shabaab oo isku dhiibay Ciidamada dowlada soomaliya ee Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka soomaliya,
Sarkaalka ciidamada dowlada soomaliya isku dhiibay ayaa la sheegay in uu u dhashtay dalka Mareykanka waxaana lagu magacaabaa abdimaalik John, mudooyinkii dambe wuxuu ka Tirsanaa ciidamada al-shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Gedo,
Wasiir C/qaadir Shiikh Cali Diini oo warbaahinta kula Hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in wax lasoo dhaweeyo ay Tahay in muwaadin u dhashtay dalka Mereykan oo ka Tirsanaa ciidamada al-shabaab uu isku soo dhiibo ciidamada xoogga dalka soomaliyeed,
Dhanka kale wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada soomaliya C/qaadir Shiikh Cali Diini ayaa sheegay in ay Hoos u dhacday awoodii Xarakada al-shabaab isagoona ugu baaqay dhalinyarada ka Tirsan al-shabaab in ay isku soo dhibaan dowlada soomaliya.
Hadalka wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada soomaliya ayaa imaanaya xili Todobaadkaan sarkaal ka Tirsanaa al-shabaab uu isku dhiibay ciidamada dowlada soomaliya ee ku sugan Gobolka Gedo

