Oday 80 jir ah oo Walaashiis oo 82 jir aheyd Gowracay

0

Wararka ka imaanaya degaanka Doonweyne oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada amaanka degmadaas ay xabsiga dhigeen oday 80 jir ah oo walaashiis oo 82 jir aheyd Gowracay, kadib markii ay ku murmeen dhul ay dhaxal u lahaayeen.

Goob joogayaal  ku sugnaa degaanka dhacdaan ka dhacday  ayaa warbaahinta u sheegay in ninkan iyo Haweeneyda walaashiisa aheyd ay mudooyinkan ku muransanayeen dhaxal ay wada lahaayeen kaasoo loo aaneynayo in dilkan uu sabab u yahay.

Odeyga 80-sano jirka ah ayaa la sheegay in uu go’aan ku gaaray in Gowraco walaashiisa oo 82-sano jir aheyd madaama uu soo laab-labtay muranka ku saabsan dhulka dhulka ah oo labadooda u daxeeyay mudooyinkii ugu dambeeyay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here