Sirdoonka Dowlada Kenya ayaa sheegay in Hogaamiye sare oo fuliyey weerarkii jaamacada gaarisa kana Tirsanaa Al-shabaab uu ku biiray garabka Al-shabaab ee kooxda daacish.
Mohamed Kuno alias Gamadhere oo Kenya u dhashay ayaa horay dowlada Kenya ay u dul dhigtay madaxiisa iyo cidii keenta macluumaad sahli kara soo qabashadiisa lacago dhan a $215,000 (Sh21.9 million) .
Kanu oo sidoo kale gacmadheere looyaqaan waxaa uu ka mid ahaa 1,200 oo dagaal yahano Kenyan ah kuwaasi oo ka mid ah Al-shabaab waxaana sidoo kale sirdoonka Kenya ay sheegeen in ninkaasi uu mudooyinkii dambe uu ku sugnaa hoodka booni iyo deegaanka Raas kaam booni.
Weerarkii jaamacada gaarisa oo gacmadheere uu fuliyey ayaa dhacay 2 bishii April ee sanadkaan waxaana ku dhintay 148 arday oo xiligaas ku sugnaa Jaamacada.

