Farmaajo:-“Al-shabaab Waxay Hor Taagan Yihiin in aan Taageero Ka Helno Caalamka”,+Dhageyso

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) ayaa sheegay in Al-shabaab ay wali caqabad ku yihiin hormarka dalka Soomaliya islamarkaana Dowladaha Caalamka ay wali u taagan garab istaaga Dowladda Cusub.

Madaxweyne Farmaajo oo boqolaal qof kula hadlay magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in Al-shabaab ay wali doonayaan in la cuuryaamiyo hormarka dalka Soomaliyeed,islamarkaana caqabadda ugu weyn ee gargaarka loo gaarsiin la’yahay meelaha ay haystaan ay tahay in ay xireen wadooyinkii loo mari lahaa goobahaas.

“Caalamka gacanta na siin lahaa iyo Dowladii kaanshaan laheyd waa la cuuryaamiyay, Al-shabaab meel walba ayay taagan yihiin, caqabad ayay ku yihiin hormarka dalka Soomaliya, shacabka Soomaliyeed gacmaha ha is qabsadaan oo haka shaqeeyaan hormarka”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here