C/Maalik Muuse Coldoon oo Gacanta Ku Haya Lacagtii Lagu Daweyn Lahaa Cabdi Tahliil+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyihii Hore ee Degmada Warta-nabada ee Gobolka banaadir ayaa maanta tagay Guriga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay Fanaanka qaran ee Cabdi Tahliil Warsame oo muddo fara badan Xanuunsan.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka banaadir Jawaahir baarqab oo ugu horeyntii warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in xaaladda Caafimad ee fanaanka Cabdi Tahliil Warsame ay aad u Liidato islamarkaana, lacago loogu talagalay In lagu dabiibo uu gacanta ku hayo Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo accounkiisa ay ku jirto uuna ku xiran xabsi ku yaala magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somali-land.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka banaadir Jawaahir baarqab ayaa tilmaamay in siyaasadda lagu kala duwanaan karo balse madaxda Somali-land loogu baahan yahay in ay tixgaliyaan codsiyadda kaga imaanayo Madaxda Dowladda Soomaliya iyo shacabka Soomaliyeed ee ku aadan in la sii daayo wariye C/maalik Muuse Coldoon oo dhawaan lagu xukumay 2-sano oo xariga kadib markii lagu eedeeyay in uu jabiyay Dastuurka u yaala Somali-land.

Fanaanka Qaran ee Cabdi Tahliil Warsame ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsayay magaalada muqdisho ee caasimadda Soomaliya , mana jirto cid wali ka hadashay marka laga soo tago in Dowladda Soomaliya ay sheegtay in dalka dibadiisa loo qaadi doono.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here