UAE oo Bilowday Dhaqaale Aroorin Lagu Caawinayo Soomaaliya

0

Waxaa dalka Isutaga Imaaradka Carabta laga bilaabay Barnaamiyo ka baxaya Televisionada iyo Idaacadaha maxaliga ah ee dalkaasi kuwaa oo dhaqaale loogu aroorinayo tobanaanka kun ee Soomaalida abaaruhu saameeyeen gaar ahaan caruurta ay soo ridatay nafaqo darrada iyo macluusha iyadoo saacado gudahood maalinimadii jimcada aheyd lagu arooriyay 165 Million oo Dh.

Waxaa olalahan shacabka Soomaaliyeed lagu taageerayo ka qeyb ah Abu Dhabi TV , Dubai TV iyo Sharjah TV kuwaa oo si toos ah saacado kooban u tabinaya.

Waxaa dhanka kale kamid ah goobaha lacagaha loogu aruurinayo shacabka Soomaaliyeed Goobaha dadweynaha isugu imaadaan iyo xarumo gaar ah iyo Hay’adda bisha cas ee imaaradka carabta oo arinkan ka qeyb qaadanaya iyadoo barnaamijkan la bilaabay bishan gudaheeda taa oo horay uu ugu dhawaaqay Sheikh Khalifa.

Deeqaha sidoo kale lagu caawinayo dadka abaarahu ay saameeyeen waxaa kamid ah Cunno,biyo, Daawo iyo waxyaabo kale oo lagama maarmaan u ah si loo caawiyo.

“Waan sii wadi doonna caawinaadeena bini’aadanimo iyo deeqaha dowlada imaaradka carabta” sidaas waxaa yiri madaxa hay’ada bisha cas ee Emiratka carabta Dr Hamadan AL Mazarou.

Horay ayaa Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in ugu yaraan 360,000 oo caruur Soomaali ah ay heesato cunna yari iyo nafaqo darro aad u daran.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here