Wada-hadalka Ahlusuna Waljameeca iyo Galmudug oo Maanta Furmaya

0

Ilo lagu kalsoonan karo oo ka howlgala Xafiiska Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre ayaa inoo xaqiijiyay in maanta ay suurta gal tahay in uu furmo wada-hadalka u dhaxeeya Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca.

Wada-hadalka Ahlusuna iyo Galmudug ayaa lagu waday in uu furmo Todobaadkii aynu soo dhaafnay laakin caqabo Is biirsaday ayay dib ugu dhaceen.
Guddiga Wada hadalka uga qeyb galaya Maamulka Galmudug ayaa xalay loo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya , kuwaasoo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug,Sidoo kale Wafdiga Ahlusuna ee ku sugnaa Muqdisho ayaa kulamo la lahaa Madaxda dowladda, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kuwaasoo u gudbiyay shuruudo ay wateen.

Caqabada ugu badan ee xiligaan taagan waxaa kamid ah in Ahlsuna Waljameeca ay dalbatay in xilal ka hesho Dowladda Federaalka Soomaliya, taasoo Madaxda dowladda marka hore ka dalbadeen inay wada hadal la galaan maamulka Galmudug.

8 maalmood oo kaliya ayaa ka harsan xilliga Dowladda Federaalka Soomaliya iyo maamulka Galmudug ku balameen in la qabto doorashada Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug, taasoo mudada ka harsan aanay muuqan in wada hadalada lagu dhameyn karo waxa taagan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here