Ahlusuna:-“Kuma Filna Shacabka Gobolada Dhexe Gargaarka Dowladda Gaarsiisay”+Dhageyso

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Labaad ee Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Cali Baashi oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Shixnadii gargaarka ahayd ee shalay la gaarsiiyay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud aysan ku filneyn dadka shacabka ee ku nool gobolada dhexe.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Ku-xigeenka Labaad ee Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Cali Baashi in abaarta ka jirta deeganaada uu maamulo Maamulka Ahlusuna Waljameeca aysan kaafin Karin Labo diyaarad oo wada gargaar aad u yar, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Soomaliya in ay kordhiso gargaar la gaarsiiyo gobolada Dhexe.

Raisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Todobaadkaan Gudihiisa sheegay in Dowladda Soomaliya ay Magaalada Dhuuso Mareeb u diri doonto Labo diyaarad oo sida raashin gargaar, kadib kulan uu la qaatay madaxweynaha mamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Sheekh Shaakir.

161010_004

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here