Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay Xarunta madaxtooyadda Soomaliya ku qaabilay madaxweynaha Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Shiikh Axmed Shaakir Cali iyo wafdi uu hogaaminayay.
Kulanka ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiraada Arrimaha Dibada iyo gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Cabdi Faarax Juxa iyo marti sharaf kale.
Ujedka kulanka ka dhacay Madaxtooyadda Soomaliya ayaa lagu sheegay sidii loogu mari dhalin lahaa wada-hadalka u bilaaban doona Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca iyo Galmudug, si doorashada 30-ka bishaan ka dhacaysa Galmudug ay u noqoto mid ka ka madax Banaan is qabqabsi.
Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Shiikh Axmed Shaakir Cali oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Maamlkiisa uu diyaar u yahay sidii wada-hadal loola gali lahaa Galmudug.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Dhexe ee Soomaliya ay rajeynayso in laga mira dhaliyo wada-hadalka Ahlusuna iyo Galmudug.




