Somaliland ayaa amartey in Magaalooyinka Maamulkaas Laga masaafuriyo koox dhawr qof ka kooban kuwaas oo Hargeysa ku qabtey siminaar.
Kooxdan ayaa waxaa ay ka soo kicintey Yurub kana kooban dhawr qod oo mid ka mid ahi u dhashey Somaliland , dhawr u dhashey Somaliya iyo gabadh ajaanib ah ayaa Hargeysa yimid todobaadkan , waxaanay 16 April ku qabteen siminaar ku saabsan arimaha caafimaadka , waxaana siminaarkaas furey wasiir ku xigeenka Caafimaadka Xassan Daahir Dhinbiil.
Hase yeeshee wasaarada qorsheynta qaranka iyo sirdoonka qaranka ayaa shalay u joojiyey siminaarkaas oo ku qabsoomey mid ka mid ah hotelada Hargeysa , waxaana wasaarda qorsheyntu joojinta siminaarkaas ku tilmaamtay in aanay kooxdani wax ogolaansho ah u soo qaadan siminaarkan islamarkaana wasaarada aaney ka haysanin sharciyada urur.
Sirdoonka qaranka ayaa amar ku bixiyey in kooxdan si deg deg ah Somali-kand looga saaro , iyaga oo raacaya ogolaansho la,aanta wasaarada qorsheynta isla markaana aaminsan in hadalo kooxdan laga hayaa halis ku yihiin amaanka qaranka .
Kooxdan ayaa markii ay yurub ka soo baxeen waxaa ay iska soo duubeen muuqaal ay ku baahiyeen baraha ay bulshadu ku kulanto , waxaana ay sheegen in ay tagayaa dalkii hooyo ee Somaliya , iyaga oo ku soo jeeday caasimada Somaliland ee Hargeysa .
Hadaladan ay iska soo duubeen ee ay Hargeysa iyo Laascanood ku sheegayaan inay tagayaan qeyb ka mid ah Somaliya oo ah waqooyiga Somaliya ayaa lagu xidhiidhinayaa joojinta siminaarkooda iyo amarka Mustaafurintooda .

