Waxaa Maanta Lagu in Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ay heshiis Nabadeed ay kuwada Gaaraan Maamulada Galmudug iyo Puntland oo dhawaan ciidamo ka kala Tirsan ay ku dagaalameen woqooyiga iyo koonfurta Magaalada Gaalkacyo,
Waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug shalay Gaaray Raisulwasaaraha soomaliya Mudane Cumar C/rashiid cali sharmarke iyo wafdi uu Hogaaminaayo uu kamid ahaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Shariif Xasan sheikh aadan oo dhankiisa gaaray Magalada Cadaado,
Sidoo kale waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Galinkii dambe ee shalay gaaray Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe oo dhankiisa sheegay in uu qeyb ka Yahay mas’uuliyiinta dooneysa in ay xaliyaan colaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,
Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Puntlland c/kariin xuseen guuleed iyo C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa dhankooda gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug si ay ugu wada-hadlaan sidii loo joojin lahaa colaada Magaalada Gaalkacyo,
Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke oo saxaafada Hadal kooban siiyay ayaa sheegay in xukuumada soomaliya ay ku rajo weyn Tahay xalinta Colaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,

