Shir looga hadlayay tayaynta waxbarashada dalka ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qaybgaleen wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socotay wasaaradaha Waxbarashada Dowlad goboleedyada dalka.
Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare C/raxmaan Daahir Cismaan oo furay shirkaan looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa tayaynta waxbarashada dalka ayaa sheegay in kulan uu muhiimad gaar ah u leeyahay kor u qaadidda Waxbarashada dalka.
Shirkaan ayaa daba jooga kulammo hore ay yeesheen Wasaaradda Waxbarashada dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo wasaaradaha waxbarashada Dowlad goboleedyada dalka.

