Garoonka Diyaaradaha Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud waxaa goordhaweyd ka dagay 2 Diyaarad oo sida gargaar oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu talagashay Dadka Abaartu saameysay.
Labada diyaarad ayaa sida gargaar nooc walba isugu jira waxaa loogu talagalay in loo qeybiyo dadka Abaartu saameysay ee ku nool Magaalooyinka Gobolka Galgaduud ee bartamaha Dhulka Soomaliya.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca ayaa la wareegay mas’uuliyadda 2 Diyaarad ee sida gargaarka oo Dowladda Soomaaliya ugu talagashay Dadka Abaartu saameysay.
Raisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay sheegay in Dowladda Soomaliya ay Magaalada Dhuuso Mareeb u diri doonto Labo diyaarad oo sida raashin gargaar.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu xalay la qaatay Wafdiga Ahlusuna Waljmeeca ee uu hoggaaminayay Sheekh Shaakir oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxda maamul goboleedyada.

