Kheyre:-“Dowladda Waxa ay Qaadaysaa Howlgal Lagu Furayo Wadooyinka Go’doonsan”,

0

Raisulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya ay qaadi doonto howlgal lagu furayo wadooyinka ay go’doomiyeen Xarakada Al-shabaab si gargaar loo gaarsiiyo meelahaa ay Abaarto ka jirto.

Raisulwasare Kheyre oo kulan la qaatay Taliyayaasha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa diirada lgu saaray sidii loo qaadi lahaa howlgal lagu furaayo wadooyinka ay go’doomiyeen Xarakada Al-shabaab ee ku yaala Gobolada dalka Soomaliya islamarkaana aan la awoodin la gaarsiiyo gargaar.

Xarakada Al-shabaab ayaa Go’doomisay deegaano badan iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaliya, waxayna diideen in halkaas la gaarsiiyo gargaar madaama ay abaarta saameysay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here