Dhageyso: Madaxweynaha Puntland oo dowlada Soomaliya ku Eedeeyay in ay Si Sharci Daro ah ku Abuurtay Maamulka Galmudug

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Dowlada Soomaliya ku eedeeyay in ay si sharci Daro ah  ku abuurtay Maamulka Galmudug iyadoona si sharci daro ah ku Hubeysay Galmudug, waa siduu Hadalka u dhigay Madaxweyne Gaas,

Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Tilmaamay in dagaalka ka dhacay Maalmihii dambe Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ay Mas’uuliyadiisa leedahaya dowlada dhexe ee soomaliya Madaama si sharci daro ah ku abuurtay Maamulka Galmudug,

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed cali Gaas ayaa sidoo kale dowlada soomaliya ku eedeeyay in ciidankeeda ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii Maalmihii dambe ka dhacayay Magaalada Gaalkacyo ee Goboolka Mudug,

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa imaanaya xili dowlada soomaliya ay iska Fogeysay Hadalka sheegaya in ciidamada xoogga dalka soomaliyeed ay qeyb ka ahaayeen dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo Hubeynta Maamulka Galmudug,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here