Dagaalyahano Ka Tirsan Daacish oo La Wareegay Deegaan Ka Tirsan Degmada Qandala

0

Wararka ka imaanayo Gobolka bari ayaa ku waramaya in Ciidamo ka tirsan kooxda daacish-ta Soomaliya in ay la wareegeen deegaan lagu magacaabo Dasaan oo u dhow degmada Qandala.

Dadka deegaanka degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalyahanada ka Tirsan kooxda Daacish in ay si nabad galyo ah deegaanka ay ula wareegeen.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Puntland.

Gobolka Bari ee maamulka Puntland, waxaa qaybo kamid ah ku sugan ururkan taageersan ISIS, waxaana dhawaan laga saaray Degmada Qandala ee Gobolka Bari iyadoo aan la sheegin goobta ay gaareen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here