In kabadan 100 dagaalyahano oo ka tirsanaa Xarakada Al shabaab oo 20 saraakiil ah ay kujiraan ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo laga fuliyay deegaanada koofureed ee gudaha dalka soomaaliya sida saraakiil dowlada Mareykanka u hadashay iyo dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.
Diyaaradaha dagaalka ee dalka mareykanka ayaa bartilmaameedsaday tuulada Waragaduud iyo deegaanka Ceel-Cadde ee gobalka Gedo halkaa oo ay ku dhuumaaleysanayeen waxaana sidoo kale isla deegaanadaasi weeraro laga fuliyay bishii January 2016 lagu dilay askar kenyati ah waxaana weerarkaasi ku qaaday Xarakada Al shabaab.
Duqeynta diyaaradaha mareykanka ee aroornimadii horay ee shalay la’fuliyay waxaa lagu dilay Saraakiil katirsanaa Xarakada Al shaab oo ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Fillow iyo Cabdiraxmaan Bin Ducaati iyadoo la bur-buriyay Labo kamid ahaa gawaarida dagaalka oo waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen waxaana sidoo kale duqeymahaasi lagu dilay 85 kale oo katirsanaa xarakada al shabaab, sida saraakiil katirsan laamaha amaanka oo diiday in la magaacaabo ay sheegeen.
Duqeymahan ayaa imaanaya iyadoo dowlada mareykanka ay xaqiijisay in daraasiin katirsan ciidamadeeda ay yimaadeen gudaha dalka soomaaliya si Ciidmaada dowlada soomaaliya iyo howlgalka AMISOM ay ugu caawiyaan dagaalka lagula jiro Xarakada Al: shabaab.
Xigasho:-Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua

