Qarjab:-Talaabo Ayaa Laga Qaadi Doonaa Dadka diidan Dhismaha Garoonka Gaalkacyo”,+Dhageyso

0

Wasiirka Amniga Dowlad Gobaleedka Puntland Cabdi Xirsi Cali QarJab oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Simba ee magaalada muqdisho ayaa ka hadlay Xaalada Amaanka deegaanada Puntland, Dagaalka Kooxda Daacish ee Gobalka Bari, Ka Hortaga Kooxda la Magac baxday Al-saadicuun Bil-Xaq iyo Muranka Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ayaa meesha ka Saarey in Puntland ay Darbi ka Dhisayso Deegaanada dhaca Bariga Gaalkacyo halkaas oo Maalmihii danbe la Sheegay in ka taagan muran ku saabsan lahaanshaha dhulkaasi.

Wasiirka oo wareysigiisa diirada ku Saaray Arimaha Amniga Puntland ayaa Sheegay in Puntland ay tilaabo cad ay ka qaadi doonto Xubno ka tirsan Galmudug oo u sugan Gobalka Mudug kuwaas oo ka soo Horjeed in dhisme lagu Sameeyo Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo kaas dowladda Imaaraadka Carabta ay la wareegtay Maamulkiisa.

Wasiir Qarjab ayaa been abuur ku tilmaamay in Puntland ay Darbi dheer ay ka dhisayso deegaanada dhaca bariga Magaalada Gaalacyo kaas oo ay ka soo horjeesteen madaxda Galmudug ku tilmaamay Xaalad dagaal oo Puntland ay ka abuurayso Magaalada Gaalkacyo.

Z0000005

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here