Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya waxaa maanta lagu qabanayaa munaasabad lagu xusayo sannad-guuradii 57-aad ee aasaaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, taasoo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin ay kamid yihiin ; Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo), Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre, Wasiirka Difaaca, C/rashiid C/laahi Maxamed, Taliyaha Xoogga Dalka, jeneraal Cirfiid.
Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo), ayaa lagu wadaa in Munaasabadaan uu khudbad uu ka jeediyo islamarkaana uu kaga hadlo Marxaladaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed, iyo dagaalka Dowladiisa ay kula jirto dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho lagu arkayaa Ciiidamo ka Tirsan Kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed oo sugaya amaanka wadooyinkaas.

