Malala Yousafzai oo Loo Magaacaabay Shaqsiga Ugu Da’da yar ee QM u Qaabilsan Nabadda

0

Gabadha da’da yar ee heesata shahaadada nabadda ee Nobel peace price-ka una dhalatay dalka Paksitan taa oo u dooda xuquuqda waxbarashada gaar ahaan gabdhaha da’da yar Malala Yousuf zai ayaa waxaa loo magacaabay shaqsiga ugu da’da yar ee qaramada midoobay kala shaqeysa arimaha nabadda.

Malal yousufzai ayaa afar sano ka hor waxaa madaxa ka toogtay kooxo hubeysan oo katirsan Talipanka dalka Pakistan iyadoo dhaawac halis ah weerarkaasi uu ka soo gaaray.

Sanadii 2014-kii ayaa gabadhan da’da yar ee u ololeysa waxbarashada gabdhaha waxaa la’gudoon siiyay shahaadada caalamiga ee nabadda Nopel Peace Prize iyadoo 17-sana xiligaa jirtay.

Waxaa xilkan u magacaabay xoghaya cusub ee qaramada midoobay Antino Guteers isagoo sheegay in ay ka howlgashay xerooyin barakacayaal ah oo kuyaala dalal Qatar badan iyadoo sanad walba oo dhalashadeyda ay ku beegantahay booqato xero barakayaal ay ku nool yihiin gabdho waxbarasho la’aan ay heesato oo ay ka saacido sidii loogu abuuri lahaa goobo ay wax ku bartaan waxaa Malala booqasho ay ku timid wadamo dhaca qaarada Africa sida Ghana, nageria iyo xerooyinka barakacayaasha ah ee dalka Kenya iyadoo halkaa kula kulantay gabdho Soomaaliyeed, waxaana uu ku tilmaamay in geesiyad da’yar ah ay tahay.

Waxa ay dhalatay taariiqda markeey ahayd 12 July 1997 xili roob uu qabsaday Xaafadii lagu dhalayWaxaana ay ku dhalatay magaalo caan ah oo la yiraahdo Mingora, laakin waxa ay ku soo barbaartay magaalada ay aadka u jeceshahay ee Swat oo dhacda Waqooyi galbeed wadanka Pakistan.

Malala waxa ay aheed gabar quraanka barata sidoo kalena si joogta ah u aada Iskuulka, Waxbarashadeedana ay ahayd mid heer sareeysa, waa ruux nafsiyan u jecel Barashada cilmiga, Waxaana intaas u dheer in ay jeclayd wax qorida oo markeey yareed la dhihi jiray “qoraa Sare”.

Mala Yousufzai ayaa la kulantay Madaxweynaha dalka Mareykanka Boqorada ENGLAND Queen Elizabeth xoghayayihii hore ee qaramada midoobay Banki-Moon Madaxda dalalka Africa Sida Good Luck Janatoon madaxweynihii hore ee dalka nageria oo ay kala hadashay sidii gacanta Boko-Haram looga sii deyn lahaa gabdho iskuuley ah oo kooxdaasi ay afduubteen.
.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here