Abaaraha iyo baahida ku dhuftay geeska qaarada Africa gaar ahaan soomaaliya ayaa sababtay in qoys kamid ah kuwa abaaruhu ay saameeyeen qaadashada go’aan doorkiisu uu yahay mid aan macquul aheyn iyadoo ceelasha ku yaala xaafadooda ay gureen halka xoolihii la dhaqanayayna ay dhinteen waxaana qisadan ay ka dhacday koofurta dalka Soomaaliya.
Abadir Xuseen oo ah aabaha qoyskan oo heystay hal fursad oo uu qoyskiisa kaga badbaadiyo macluusha iyo abaaraha ayaa gabar da’deedu tahay 14 jir oo aad u qurxoon oo uu isaga aabe u ahaa taa oo lagu magacaabo Zaynab waxa uu ku iibsaday $1,000 dollar isagoo ku daray nin da’ah si uu u guursado.
Zaynab iyo reerkeeda oo ku nool kaam barakayaal ay degen yihiin oo dhaca Magaalada Doolow ee u dhaw xadka Ethopia iyo soomaaliya iyadoo gurigoooda cooshado uu ka’sameesan-yahay ayaa aabaheed waxa uu u gacan geliyay nin ka da’weyn oo marnaba aan u qalmin, waxaana deegaanadaasi qaxootiga ay ku nool yihiin gargaar bini’aadini gaar siiya hay’ado caalami ah oo cunno iyo biyo u qeybiyay.
Zaynab oo 14 jir ah dhigatana school ayaa sidan tiri” waxaa ii fiican in aan dhinto oo halkaan kabaxsado libaaxyadana ay I cunaan”- hooyadeed oo hadalkaasi maqleysay ayaa ku qoylisay” halkaan ayaan joogeynaa anagoo gaajeysan markaan dhimano-na lafaheena xayawaanada ayaa cuni doona”
Qisadaan ayaa Noqotay mida loogu hadal heynta badan yahay dalka Soomaliya,waxayna tani ay noqonaysaa waxyaabaha laga dhexlay abaarta Soomaliya xiligaan ka jirta.

