Dowladda Kenya ayaa sheegtay in weerar qorshaysan oo ka dhacay Gobolka Gedo in Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab loogu dilay in ka badan 15-askari oo ka tirsanaa Ciidamadooda.
Afhayeenka Ciidamada Difaaca Kenya Col. Joseph Owuoth ayaa sheegay galinkii dambe ee isniinta in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM in weerar qorshaysan ay ku qaadeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaaayeen meel 100 kilometers xaduudka El Wake e Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.
“Ciidamada Difaaaca Kenya waxa ay weerar qorshayasan ay ka fuliyeen Degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, weerarka waxaa loo adeegsaday hubka culus waxaa lagu guuleystay in la burburiyo xarumo Ciidamada Al-shabaab ay ku lahaayeen Degmadaas”, ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Difaaca Kenya Col. Joseph Owuoth.
Howlgalkaan ayaa dhacay labo bari kadib markii Ciidamada Kenya ay sidoo kale Weerar ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab oo lagu magacaabi jirey Bashe Nure Hassan.
200,000 askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa Soomaliya ku sugan waxayna qeyb ka yihiin Howlgalka AMISOM ee Soomaliya oo dagaal kula jiro Xarakada Al-shabaab.

