Michael Keating:-“Somali-land Waxa ay Kamid Tahay Somaaliya”,

0

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Denjire Michael Keating oo dhawaan gaaray Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somali-land ayaa sheegay in Somali-land ay kamid tahay Somaliya.

Michael Keating Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa tilmaamay in cidna aysan go’aamin karin in Somaliland ka madax banaan tahay Somalia inteeda kale isagana uusan go’aamin Karin arintaas.

Waxa uu tilmaamay in Qaramada Midoobay ay kamid yihiin dalal badan oo caalamka ku yaala sidaas darteed uusan jirin sharci dhigaya in Somali-land loo aqoonsado dal gaar ah oo ka madax banaan Somaliya inteeda kale.

Michael Keating wuxuu intaa raaciyay in go’aanka Somaliland ee gooni isu taaga iyo go’aanka beesha caalamka ka taagan tahay in Somaliland ay ku adkaaneyso xaalada dhabta ah ee ay ugu jiraan in ay ka madam bannaanaadaan Somalia inteeda kale.

Muddo 26-sano ah ayay Somali-land baadi-goobaysaa in ay ka go’do Somaliya inteeda kale waxaana dhowr jeer oo hore lagu guuldareystay arinta madaxbanaanida Maamulka Somali-land.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here