Wada-hadalka Somaliya iyo Maamulka Somali-land oo Dib u Bilaabanaya+Dhageyso

0

Raisulwasaare ku-xigeenkii Hore ee Xukuumadda Soomaliya Maxamed Cumar Carteh(Qaalib) oo xilka wareejiyay ayaa Dowladda Cusub ee Soomaliya ugu baaqay in ay Xoogga Saarto sidii loo sii wadi lahaa Wada hadal dhab ah oo lagu dhameynayo Qoqobka Siyaasadeed ee ka dhex jira Gobalada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya si loo gaaro Hanaan siyaasadeed oo lagu baadi Goobayo Midnimadii umadda Soomaaliyeed ee meesha ka baxday Sanado ka hor.

Carteh ayaa intaa hadalkiisa ku daray in Dowlada Soomaaliya ay Ahmiyad gaar ah ay siin doonto Furitaanka Wada –hadal ku salaysan Danta Guud ee Wadanka ayadoo oo la marayo Wadiiqo labada dhan ay ku Kalsoon yihiin noqon kara mid wax badan ka badala Xaaladda ka Jirta Man-daqada Geeska qaaradda Africa .

Ugu dambeyntii Raisulwasaare ku-xigeenkii Hore ee Xukuumadda Soomaliya Maxamec Cumar Carteh(Qaalib) ayaa xusay Dowlada Dhexe federaalka iyo Maamulka Soomaali-land labada ay dan weyn ay ugu Jirto in la Furo wada Hadal Dhab ah oo Diirada saaraya in dhicanyadu ay gar-waaqsadaan in Xal laga gaaro Khilaafka jira iyo in Dib loo saxo wixii qaladaad dhacay 20-sano ka hor intii uu Jiray Maamulkii Militariga maxamed Siyaad Barre.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here