Madaxweyne Farmaajo oo Dubia u Tagaya Arinta Saldhiga Berbera ee Imaaraadka Carabta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maalinta bari ah sida ay sheegayaan wararka socdaal ku tagi doona dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo nin kale oo la taliye u ah Madaxweynaha oo lagu magacaabo Balal Cusmaan ayaa la sheegay inay ka sii hormareen Wafdiga Madaxweynaha, si ay horu-dhac ugu noqdaan safarkiisa maalinta berri.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo Maalinta bari ah ayaa noqon doonta kii ugu horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Imaaraadka, tan iyo markii la doorto, sidoo kale waa booqashadii afaraad ee uu dalka uga ambabaxo muddo lixdan cisho ah oo uu xilka haayo.

Dowladda Imaaraadka carabta iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhex jiray xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay saldhiga Imaaraadka ka dhisanayaan magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, taasoo dowladdu Faramaajo aad uga soo horjeesatay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Boqortooyada Sacuudiga uu ka shaqeeyay isu soo dhowaanshaha Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu horay Madaxweynuhu uu ka dalbaday in Sacuudiga ku taageero in Imaaraadka uu joojiyo saldhigga.

2-dii sano aynu soo dhaafnay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Faraglin ku haysay Dowladda Soomaliya waxayna heshiisyo la gashay Maamul goboleedyada dalka Xiligaan ka jira sida Somali-land iyo puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here