Doon Ganacsi oo Lagu Afduubtay Xeebaha Gobolka Mudug

0

Kooxo la sheegay in ay yihiin burcad badeed Soomaliyeed ayaa shalay doon ganacsi ku soo xiray xeebta deegaanka Ceelhuur oo 50 km koonfur uga beegan Degmada Hobyo.

Dad ku sugan degmada Hobyo ee Gobolka mudug oo la hadlay warbaahinta simba ayaa xaqiijiyay in doonida oo ah mid Ganacsi in kooxaha burcad badeeda Soomalida in ay ku soo xireen xeebta deegaanka Ceelhuur islamarkaana halkaan ay ku haystaan.

Burcadaan oo tiradooda aam la ogaanin ayaa doontaan kasoo afduubtay xeebta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya, doontaan ayaa la sheegay inay badeecado ganacsi u waday magaalada Kismaayo ee Caasimada kmg ah ee Maamulka Jubba-land.

Sidoo kale waxaa naloo xaqiijiyay kooxda burcada ah in shalay doonta la aadeen deegaanka Murgane oo u dhow degmada Hobyo gobolka Mudug. Ma cadda tirada shaqaalaha saaran doontan iyo dalka laga leeyahay.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Galmudug oo loogu hadlaayo afduubka loo geystay doonta Ganacsi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here