Dhageyso: Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Sheegay in Maamulkiisa uu Diyaar u Yahay Xalinta Colaada Gaalkacyo  

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Gaas oo Xalay kulan kula qaatay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in Maamulkiisa ay ka Go’an Tahay Xalinta qilaafka iyo colaada ka Taagan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,

Dr C/wali Maxamed Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Tilmaamay in shacabka Maamulka puntland , Odayaal, waxgarad iyo siyaasiyiin ay ka Go’an Tahay Xalinta Colaada Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug,

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa xalay Kulan waqti badan qaatay kula qaatay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke oo shalay gaaray Magaalada garoowe,

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Goobta Lagu dagaalamayo ay Tahay dhul uu leeyahay Maamulka Puntland,

Wali waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka jira colaada u dhaxeysa Maamulka Galmudug iyo Puntland,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here