Wararka haatan naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in haatan uu ka qarxay Gudaha Magaaldaas dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamo ka kala Tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland,
Dagaalka ayaa ka bilowday Goobihii ay maalmihii dambe ay isku Hor Fadhiyeen Ciidamada ka kala Tirsan Maamulada Galmudug iyo kuwa Maamulka Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,
Lama ogo qasaaraha ka dhashtay dagaalka Haatan ka qarxay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyadoona Maanta Lagu waday in Magaaladaas uu soo gaaro Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke oo Xalay ku Hoyday Magaalada Garoowe ee Caasimada Gobolka Nugaal,
Wixii kusoo kordha Simbanews.com kala soco
Halkaan Hoose ka dhageyso wareysiga wariyaha Radio simba ee Magaalada Gaalkacyo

