Ciidamada maamulka Puntland ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay kula dagaalamayaa Kooxo Burcadbadeed Soomaali ah oo iska ababulaya deegaano hoostaga Gobolada Mudug iyo Nugaal ee Puntland.
Afhayeenka maamul Goboleedka Puntland Cabdullaahi Quraan Jecel oo ka hadlay hawlgalka, ayaa idaacadaha Puntland u sheegay in Puntland ay la dagaalami doonto Kooxaha ay Xogtooda hayaan ee is abaabulay.
Wuxuu intaas ku daray in Puntland aysan sinaba u ogolaanayn inay dib uso noqdaan Kooxda Burcadbadeeda Soomaalida, wuxuuna dadweynaha ka codsaday inay laso socodsiyaan Xogta Kooxaha is abaabulaya.
Sidoo kale Afhayeenka Puntland Cabdullaahi Quran Jecel, ayaa sheegay in dad Qalbiga ka jeclaa falalkan ay dib u xasuusteen, ayna doonayaan inay dib ugu noqdaan.

