Kooxo hubeysan ayaa galabta Gudaha Suuqa Bakaaraha Gaar ahaan dhanka Daawada waxa ay ku dileen 2-nin la sheegay in ay ka Tirsanaayeen Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed.
Labada Nin ee la dilay ayaa mid kamid ah magaciisa waxaa lagu soo koobay Daadirkey, waxa uuna ka Tirsanaa Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyreed qeybta Gobolka Banaadir.
Dad ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay oo la hadlay idaacadda Simba ayaa xaqiiyay dilka labadaan ruux oo ka Tirsanaa Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed, waxayna dableyda hubeysan la sheegay in dhowr xabadood ay ku dhufteen labada Askari taasi oo keentay dhimashadooda.
Dilka kadib waxaa goobta isaga baxsaday kooxihii dilka fuliyay oo dhalinyaro ahaa,waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugida Gobolka Banaadir oo goobta ka qaaday meydka labada askariga.
Ma jirto cid loo soo qabtay dilka labada ruux.

