Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo u Ambabaxay dalka Mareykanka

2

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed sareeya gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo wafdi uu Hogaamiyo ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka oo dhawaan lagu qaban doono shir loogu Hadlaayo ciidamada Booliska soomaliyeed,

Wafdiga Taliyaha waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho kusii sagootiyay saraakiil ka Tirsan ciidamada Booliska soomaliyeed iyo Madax dowlada soomaliya ka Tirsan

Sareeya gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan cadde kulanka saacado badan qaatay kula qaatay Saraakiisha ciidaamada boosliska soomaliyeed isagoona kala Hadlay xaalada ciidamada Booliska iyo xaqiinta amaanka dalka,

Dhanka kale inta uusan ka ambabixin Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxa uu isla Garoonka kula Kulmay xubno ka Tirsan wasaaradda Waxbarashada Dowladda Masar oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho, isagoo kaga mahadceliyay sida ay u caawinayaan dadka Soomaaliyeed.

2 YORUMLAR

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here