Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo qudbad u jeediyay Soomaalida ku nool Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya ayaa sheegay in Dowladiisa aysan dadka kusoo dhaweynin waxa la yiraahdo Qabiil.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dadka qaar ay aaminsan yahay in Dowladda Cusub ee Somaliya ay dadka kusoo dhaweysay qaab qabiil islamarkaana dadka qaar lagu naco qabiilka ay kasoo jeedaan.
”aniga qabiil maahi waxaan ahay Soomaali, qofna qabiil kuma soo dhaweysanayno, qofna qabiil kuma fogaynayo, Raisalwasaaraha Soomaliya markan magacaabay waxaan isna u sheegay inaan ka fogaano qabyaalada, golaha wasiirada qaab qabiil ayaa Lagu qaybiyay oo daruufta keentay laakin waxaan iyagana kula dardaarmay in qabiil aanay u shaqeyn, anagoo dhan waxaan matalnaa dadka Soomaaliyeed oo na doortay ”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo oo la hadlay Soomalida ku nool Magaalada Nairobi.

