Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (farmaajo) oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa maanta ka qeyb galaya Shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD.
Shirkaan ayaa Noqon doona Mid u dhaxeyn doona Madaxda Urur Goboleedka IGAD, waxaana diirada lagu saari doonaan arrimaha Qaxootiga Soomaliyeed ee nool dalalka Urur Goboleedka IGAD.
Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa qudbad ka jeedin doona shirka waxa uuna ka hadli doonaa abaarta Soomaliya Xiligaan ka jirta, iyo dadka Soomaliyeed ee qaxootiga ku ah dalalka Urur Goboleedka IGAD.
Shirkaan waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaasha kala ah
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo)
madaxweynaha Jamhuuriyadda, Djibouti, Ismaaciil Cumar Gellle.
Raisulwasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Jamhuuriyadda Kenya Uhuru Kenyata,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan Salva Kiir,
madaxweynahaha Jamhuuriyadda Suudaan Omar Xasan Albashiir.
iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Yoweri Museveni.

