Faah-faahin Ku Saabsan Qarax Ismiidaamin ah oo Maanta Ka Dhacay Degmada X/weyne+Sawirro

0

Wararka laga helayo degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay Qarax Sababay qasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxaysa Maqaaxida Banowda iyo Hotelka Naasa-hablood 2 ee muqdisho loo adeegsaday gaari yar oo nuuca raaxada ah.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegayaa inay ahayd goob mashquul badan oo xilligaa ay ku sugnaayeen dadyoow kala duwan,waxaana sidoo kale ay ahayd goob Busteejo ah oo baarbuurta laga raro.

Illaa hadda lama xaqiijin inta uu le’egyhay qaraxa halkaa ka dhacay ee ismiidaaminta ah,waxaase dad goobjoogayaal ahi ay u xaqiijiyeen shabakadda Radio Simba inay arkayeen qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo qaraxu uu sababay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here