Jubba-land oo Qaraxyo Kusoo Bandhigtay Kismaayo, iyo Ninkii Sameynayay+Sawirro

0

Maamulka Jubba-land ayaa magaalada kismaayo ee Caasimada Kmg ah ee Maamulkaas kusoo bandhigay ruux uu sheegay in uu ka Tirsan yahay Xarakada Al-shabaab islamarkaana qaraxyo ku diyaarinayay Xaaafadda Farjano ee Duleedka Magaaladas.

Taliye ku-xigeenka Ciidamada Nabad Sugida Jubba-land Axmed C/laahi Ciise (Gaas) oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigay ninkaan ayaa sheegay in ciidamada Nabad Sugida ay dadka xaafaddaas kusoo wargaliyeen in guri ku yaala xaafaadaas lagu diyaarinaayo qaraxyo islamarkaana ay ku sugan yihiin rag ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.

Taliye ku-xigeenka Nabad Sugida Maamulka Jubba-land Axmed C/laahi Ciise (Gaas ) ayaa sheegay in Howlgalkaas lagu soo qabtay ninkaan oo magaciisa uu ku sheegay Cabdi Xasan Nuur islamarkaana u qaabilsanaa Al-shabaab sameynta Qaraxyadda, waxa uu sidoo kale sheegay in uu isku dayay in uu baxsado balse ay dhaawaceen Ciidamada.

Waxa uu sheegay Taliye ku-xigeenka Nabad Sugida Jubba-land in uu jirey qarax ka dhacay Guriga islamarkaana ay Ciidamada gacanta ku dhigeen qaraxyo kale oo aan qarxin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ninkan uu mudooyinkii ugu dambeeyay ay baadi-goobayeen Ciidamada Maamulka jubba-land madaama uu gacan ka geystay qaraxyo kala duwan ka dhacay oo deeganada Maamulka Jubb-land.

Taliye ku-xigeenka Ciidamada Nabad Sugida Jubba-land Axmed C/laahi Ciise (Gaas) ayaa sidoo kle sheegay in ay jiraan rag kale oo goobta ka baxsaday balse lagu raad joogo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here