Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee Caasimada Kmg ah ee Maamulka Jubba-land ayaa ku waramaya in qarax xoogan uu ka dhacay duleedka magaaladaas.
Afhayeenka Ciidamada Nabad Sugida Maamulka Jubba-land Axmed Carab oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada ay weerar ku qaadeen subaxnimadii hore ee saakay guri ay ku sugnaayeen shan ruux oo uu sheegay in ay ka Tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab, islamarkaana ay u qaabilsan yihiin sameynta qaraxyadda.
Axmed Carab ayaa sheegay in ay isku dayeen kooxda hubeysan in ay goobta ka baxsadaan balse ay Ciidamada Nabad Sugida Maamulka Jubba-land ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan, qaarkoodna dhaawac ay yihiin.

