Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Ingiriiska, oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inaan Somaliland lagu casuumi doonin shirka deeq-bixiyeyaasha ee dalkiisu martigelinayo bisha May ee fooda innagu soo haysa ee loo qabanayo Soomaaliya, doorashooyinka Somaliland ee dib u dhacay dartood.
Sidoo kale ku-xigeenka Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya,Andrew Allen ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Ingiriiska ay diiwaan gashatay in doorashooyinka Somali-land la qabto bishaan march islamarkaana maamul Cusub uu ka qeyb galo shirka ka dhacaya may Magaalada London oo ay ka qeyb galayaan deeq-bixiyeyaasha ee dalkiisu martigelinayo.
“Waxa jirtay fursad Maamulka cusubi ay ku iman lahayd shirka haddii doorashooyinku dhici lahaayeen bishan March sidii hore loogu balamay,”sidaas waxa saxaafadda maanta Hargeysa ugu sheegay ku-xigeenka Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya,Andrew Allen.
“Laakiin doorashooyinkii dib ayaa loo dhigay dhowr jeer, mana qabsoomayso illaa Bisha November. Sidaas darteed, kuma casuumi karno dawladda hada jirta. Waxaanu doonaynay inaanu la shaqeyno Maamulka cusub”, ayuu mar kale yiri Andrew Allen.
Arintaan ayaa kusoo beegmaya xili bishii aynu soo dhaafnay Golaha wakiilada Maamulkas ay meel mariyeen in doorashada Madaxweynaha cusub ee Somali-land la qabto dhamaadka Bisha December ee sanadkaan 2017-ka.

