Qaramada Midoobay oo Diiday Codsigii Ku aadanaa in Labaaro Duqeyntii Lagu Dilay Qaxooti Soomaaliyeed

0

Qaramada midoobay ayaa maalinimadii isniinta aheyd ka hortimid codsi isbaheysiga uu horkacayo sacuudi carabiya ay ku weydiisateen in baaritaan lagu sameeyo duqeyntii ka dhacday xeebta xudeydiya oo ah goob ay gacanta ku hayaan mucaaradka yemen ee xutiyiinta.

Isbaheysiga sacuudiga ayaa kadib weerarkaasi codsaday in doontii ay saarnaayeen qaxootiga soomaliyeed oo 42-qufood lagu dilay in la’baaro cidii mas’uulka ka aheyd iyadoo dalka yeman ay kajirto xaalado bini aadanimo oo aad u daran.
Afayaheenka qaramada midoobay Farhan Haq ayaa sheegay in labada dhinac ee isku haya dalka yeman in ay mas’uul ka yihiin ilaalinta shacabka iyo kaaba yaashooda dhaqaalaha.

“Majirto cid kale oo loo’aaneyn karo mas’uuliyada weerarkaasi” ayuu hadalkiisa sii raacsaday.

Magaalo xeebeedka xudeydiya oo ah marin muhiim u ah dalka yeman oo ay maamulaan kooxaha xuutiyiinta oo dagaal kula jira isbaheysiga dowlada sacuudiga uu horkaceyso ayaa gabi ahaanba isbaheesigaasi hubeysan waxa ay meesha kasaareen in ay mas’uul ka’yihiin weerarkii doontaasi lagu qaaday iyagoo durbadiiba falkaasi hor dhigay qaramada midoobay si ay baaritaan ugu sameyso.

Qaramada midoobay ayaa ugu dambeyntii ku baaqday in baaritaan ay sameeyaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka dalkaasi ka soconaya gantaalkii lagu dhuftay doonidii ay saarnaayeen qaxootiga Soomaaliyeed.

Illaa hadda ma jirto cid dusha saaratay masuuliyadda dadkaasi Somaliyed ee la xasuuqay, marka laga reebo eedeymo kala duwan oo la isku jeediyay.

Dadka Somaliyed oo aanan haysan dowlad awood badan ayaanan helin inta badan magdhawga dhacdooyinka noocaan oo kale ah ee lagu laayo Somalida.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here