Raisulwasaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre aya goordhaweyd ku dhawaaqay Golihiisa wasiirada Xukuumadda Soomaliya oo muddo laga sugayay in uu ku dhawaaqo.
Raisulwasaaraha ayaa ku dhawaaqay Golle wasiiro oo ka kooban 57xubnood 26-wasiir 26-kuxigeen iyo 5-wasiiru dowle , sharuudaha uu ku xushtay waxaa kamid ah in da’diisa aysan ka yareyn 30-sano In uu haysto Shahaado heer Jaamacadeed.
Mas’uuliyiinta ku jira waxaa kamid ah Yuusuf Garaad Cumar safiirkii Hore Dowladda Soomaliya ee Qaramada Midoobay waxaa loo magacaabay Wasiirka arimaha dibada, wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibada Soomaliya C/raxmaan Ducaale Beyle waxaa loo magacaabay Wasiirka maaliyada, Eng yariisow waxaa loo magacaabay Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaliya, iyo Wasiirka amniga gudaha waxaa loo magacaabay xil Ducaale islow.
Lasoco warkaan oo dhameystiran Insha alaah

